XOG CULUS : XAALKA DALKA HADA MARAYO
Waxaa hubaal ah dadka somaliyeed intooda badan in ee ku wareereen sida wax usocdaan iyo marba wajiga uu marayo dalka, hadaba qormadaan waxaan ku eegi doonaa waxyaabo badan oo iminka kasocda dalka ,iyo siyaasada beesha caalamka kaga aadan.
meelo badan oo kamid ah dunida Muslimka ama Africa waxaa kadhacaya isbedelo isa soo taraya marba marka kadambeeyso, hadee noqon laheed kuwa shacbi kacdoon sameeyey kudhisan, ama maleeshiyaad hubeesan oo doonaya in afgambi kuqabsadaan dowlada markaasi talisa.
Somali oo qeyb ka ah dunida muslimka iyo qaarada afrika waxaa laga dheehan karaa saameynta isbedelada kasocda caalmaka in qeyb katahay, is bedelka ayaa wuxuu noqdaa 2 qaab hadii markaasi uusan eheen mid cod dimquraadi ah lagu kala baxay, waan sidan :
1-kacdoon : waa shacab isku soo bax sameeye ayagoo dhaliilsan maamulka maarkaasi jira
2-is bedel siyaasadeesan : ay kadambeeyaan dad gaar ah doonaya in xukunka dalka kadhex muuqdaan.
dadka qaarkiis ayaa aminsan in dagaalka kajira somaliya gaar ahaan koonfurta somaliya in uu yahay mid diimeed ama argagaxiso ah, fikirkaas mid kaduwan ayaa jiro isla markaana hadii gunta hoose laga eego lafahmi karo, DF waxaa horyaalo arimo badan weeyna lasocotaa sirta qarsoon laakiin waxaa ku adag side u wajihi laheed, maadaama kubadda laagu ciyaari lahaa beesha caalamka heyso balse garoonka DF ee leedahay.
amaanka caasimada dalka ee muqdisho wuxuu noqday mid laga deyrinayo, waa sax in laga deyriyo maxa yeelay boqolaal waji oo kala nuuc ah ayaa ku mashquulsan sidee u fashilin lahaayeen isku day walba ee muqdisho sameeyso maxa yeelay waa hormuuudkii dalka .
dagaalada kazoo cusboonaaday qeybo kamid ah dalka waxee ku cadeyneesaa in waji hor leh uu galay dalka, shacabka somaliyed mar walba wuxu is weydiyaa maxaa xigi doona ?
hadana waxaa umaleysaa in u dajisan yahay qorsho walba laakin mararka qar ayaa suura gal ah in dib loogu laabto qorshe hori loo soo arkay, yaa cadeyn u hayo qaraxyada kadhaca muqdisho iyo dilalka qorsheesan ee lageesto in Alshabaab kadambeeyan marka laga reebo sheegashada ee sheegtaan .
meelo badan oo kamid ah dalka ayaa kasocdo dagaal beeledyo ,Somaliland xaalkeda mafadhiyo,Puntland doorashoyin aya kusoo food leh beesha caalamka dareen ayee ka muujinayaan.
DF qudheeda waxee ku mashquulsan tahay shirar iyo xil magacaabis, iyo booqashoyin. waxaana weerarada kadhacayaan halbowlihii Dowlada iyo meelaha amaankooda sida weyn loo ilaaliyo. marka intaasi oo dhan lisku geeyo waxaa ladhihi karaa nidaamkii larabay in dowlada latimaado wax badan ayaa kamaqan xaalku waa Magaran Sheekada gunta leh.
Jacfar xaaji (faamoos)